Hoppa till huvudmenyn Hoppa till innehåll

Khuseeya qofka guri ka dalbanaaya ama kaga jira Mimer.

Macluumaad loogu talogalay kireystayaasha

Sidn ayaan Mimer ula soo xidhiidhayaa

Raadi wax banaan

Si aad guri uga kireysato Mimer waa inaad shuruudahan aasaasiga ah ee soo socda buuxisaa:

  • Waa inaad buuxisay 18 sano jir.
  • Waa inaad leedahay lambarka shakhsiga ee Iswiidhishka.
  • Waa inaanay Mimer ama guri kireeye kale wax deyn ah kugu laheyn.
  • Waa inaanad laheyn hal calaamad oo lacab bixinta ah wax ka badan (Betalningsanmärkning) sanadkii ugu danbeeyey.
  • Qofka heshiiska kireysiga haysta waa inuu baahi guri leedahay, si rasmi ah u degan tahay oo aad ciwaanka ku qoran tahay/diiwaan gashan tahay.
  • Waxaad kaliya haysan kartaa hal (1) kontaraag oo gacanta koowaad ah.
  • Waa inaad caymiska guriga ku jirtaa.
  • Waa inaanay guriga deganeyn dad ka badan marka loo eego waxa cabbirkiisa suurtogal ah.
  • Waa inaanad wax tixraacyo guriga ah oo xunxun laheyn.
  • Waxaanu raacnaa tilmaamaha magaalada ee kaalmada dhaqaale haddii aad guri raadinayso oo aad taageerada dakhli lagu siiyo.

Haddii aad haddaba kireyste anaga lana degan tahay oo aad rabto inaad guri cusub oo Mimer ay leedahay u soo guurto ayaa waxa shaqeynaaya waxyaalahan soo socda:

  • Waa inaad kiradaada wakhti ku bixineysay mudadii 6 bilood ee la soo dhaafay.
  • Waa inaanay Mimer wax deyn ah kugu laheyn.
  • Waa inaanad awax calaamado qashqashaada ah laheyn.

Dalab samee

Waxaad safkayaga guri is qori kartaa laga bilaabo sanadka aad 16 jir buuxiso. Laga bilaabo maalinta aad isdiiwaangeliso, ayaad dhibcaha kiyuuga urursaneysaa.

Haddii adiga iyo lammaanahaaga aad doonaysaan inaad labadiinaba heshiiska ku qornaataan ayaad u baahan tahay inaad wada dalbadayaal iska diiwaan gelisaan. Si aad qof dalabka kula jira ugu ahaato waa in qofka dalbadaha koowaad ah lagu noolaado xidhiidh guur u dhigma.

Si aad dhibcahaaga safka ugu haysato waa inaad Mina sidor hal mar laba iyo tobankii biloodba soo gadhaa. Haddii kale waxaad lumin doontaa dhibcahaaga safka iyadoo codsigaaga la tirtiri doono. Waa adiga masuuliyadaada inaad ka warhayso markaad u baahan tahay inaad Mina sidor soo gasho. Ka faa’iideyso markaas inaad xitaa hubiso in macuumaadkaaga xidhiidhku sax yahay.

Iska diiwaan gali (macluumaad af Iswiidhish ah)

Waa maxay dhibcaha safku?

Markaad isdiiwaangeliso, ayaad maalintiiba 1 heli doontaa, iyadoo marba marba dhibcaha aad haysataa ay ka sii badan yihiin ay fursadda aad guri ku helaysaa ka sii badan tahay.

Markaad heshiis kireysiga aqbasho ayaa eber laga dhigayaa dhibcahaagii safka iyo dalabkaagii (waxay taasi sidoo kale khuseysaa marka la sameeyo beddelaad tooska ah ee Mimer gudaheeda ah).

Dhibcahaaga ayaa ah qaar shakhsi ahaaneed iyadoo aan cid lagu wareejin karin ama qof kale kuwiisa lagu biirin karin. Waxase jira laba wax oo ka reeban, kuwaas oo kuu ogolaanaaya inaad dhibcahaaga safka cid kale ku wareejiso. Waxaad labada xaaladoodba u baahan tahay inaad cadeyn soo gudbiso. Waxa dhibcaha safka lagu wareejin karaa qof aad si guur ahaaneed u wada nooshihiin haddii lammaanaha kale:

  1. Uu dhintay
  2. Uu si rasmi ah ugu guuro guryaha dadka waaweyn lagu hayo

Waxaad markasta soo gali kartaa Mina sidor oo aad dhibcahaaga hadda ka arki kartaa. Macluumaadku waxa uu ku qoran tahay af Iswiidhish.

Sidee ayaan codsigayga u cusbooneysiiyaa?

Haddii aad u baahan tahay inaad macluumaadkaaga xidhiidhka cusbooneysiiso, qofka dalbka kugula jira/qoran ama safka aad ku jirto sidan ayaad sameynaysaa:

  1. Sidee ayaan ku soo galayaa Mina sidor (Aniga Boggeyga).
  2. Aad ”Min profil”, (Borofaalkeyga), waxaad kaas ka helaysaa sawirka brofaylka midab buluug iyo cagaar iskugu jira ee dhanka midig.
  3. Guji ”Uppdatera uppgifter” (Macluumaadka la cusbooneysiiyey).
  4. Hubi in macluumaadkaagu sax yahay oo waxna ka beddel waxaad rabto.
  5. Guji Spara (Keydso) haddii aad dalabkaaga wax ka beddeshay.

Sidee ayaan rabitaanka guri u diiwaangaliyaa?

Booqo Sök ledigt (Raadi kuwa banaan), macluumaad ku qoran af Iswiidhish. Dhammaan guryaha Mimers ee bannaan ayaa halkan laga helayaa. Waxa heshiiska kireysiga loo soo bandhigayaa qofka dalbadaha ah ee leh dhibcaha ugu sarreeysa ee shuruudahayaga aasaasiga ah buuxinaaya.

Immisa qof ayaa guriga ku noolaan kara?

Tirada dadka ay tahay inay ku noolaadaan guri waa inay ahaadaan wax macquul ah marka loo eego baaxadda aqalka, si la iskaga ilaaliyo xaalad aan caafimaad ahaan wanaagsaneyn. Waxa muhiim ah inaad taas ka fikirto marka aad guri dalbanayso.

Tirada inta qof ee loo ogol yahay inay guriga ku noolaadaan?

1 qol iyo jikada geftinka/kabadhka jikada ah: 2 qof

1 qol iyo jiko: 3 qof

2 qol iyo jikada geftinka/jiko: 4 qof

3 qol iyo jiko: 5 qof

4 qol iyo jiko: 7 qof

5 qol iyo jiko: 8 qof

6 qol iyo jiko: 10 qof

Waxay tiradu khuseysaa dhamaan carruurta iyo dadka waaweyn labadaba.

Waxan ayaa shaqeynaaya markaad guri anaga naga dalbato

  • Waxaad rabitaankaaga ku soo gudbin kartaa ugu badnaan todoba guriga markiiba.
  • Waxaad haa ku aqbali kartaa dhowr dalab. Haddii heshiiska lagu soo bandhigaayo adiga, ayaanu anaga ku soo wici doona.

Aragtida guri ahaaneed ee Mimer

Marka guryaha ardayda iyo heshiisyada muddada gaaban laga reebo ayaad dhamaan guryahayaga ka heli doontaa Lediga lägenheter (guryaha banaan) hoostooda, dhanka Sök ledigt. Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish. Dhamaan guryaha waxa loo kireynayaa si nidaamka safkayaga waafaqsan. Fiiri cutubka sare ee bogga si aad shuruudahayaga aasaasiga ah ee kiraynta guri ugu akhrido.

Guryo aan sigaarka lagu cabbin

Waxaanu waxyaabaha cusub ee aanu keenay haynaa ”Guryaha aan sigaarka lagu cabbin” iyadoo la daneynaayo kireystayaasha qiiqa ku xunuunsada. Waxa uu guriga aan sigaarka lagu cabbin micnahiisu yahay inay mamnuuc ka tahay in sigaar lagu cabaa guriga dhexdiisa, balakoonka/barxada banaanka, albaabka agtiisa iyo meelaha la wadaago ee guriga ka tirsan.

Snabb inflytt (degdeg ugu soo guurid)

Degdeg ugu soo guurid waa guryaha leh ugu badnaan in hal (1) bil loogu soo guuro. Marka uu guri bannaan yahay si loogu soo guuro ayaa si wadajir ah loogu soo dhigayaa guryaha kale ee bannaan muddo laba maalmood gudahood ah. Wakhtigaas gudahiisa ayaa haysataa fursad aad ku diiwaan gelinayso rabitaankaaga. Waxa guryaha deg degga loogu soo guuraayo lagu kireynayaa dhibcaha safka, si la mid ah sida guryaha kale.

Si aad ugu hesho furdad aad ku kireysato guryaha degdega loogu soo guuraayo ayaad u baahan tahay:

  • Inaad buuxiyo shuruudayada aasaasiga ah ee guri kireysiga.
  • Inaad diyaar u tahay inaad guriga qaadato isla marka ugu horeysa ee uu diyaarka yahay.

Ay fududey in lagu noolaado 55+

Waa in qofka dalbadaha koowaad ahi uu 55 sano jir buuxiyey. Sayga/oorida ama qofka la nool ayaase ka da’ yaraan kara. Waana inaanad haysan wax carruur ah oo kula degan.

Guryaha dhalinyarta

  • Waa inay da’daadu u dhaxeyso 18 iyo 27 sano jir si aad ugu awoodo inaad guryaha dhalinyarta dalbato.
  • Waxa uu kireysigu u dhacayaa iyadoo safka caadiga ah la isticmaalaayo.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad guriga ku sii jirtid ilaa inta aad rabtid adigu, xitaa markaad 27 sano jir dhaafto.
  • Waa qofka dalbadaha koowaad ah cida ay tahay inay shuruudaha da’da buuxiso marka guriga la dalbanaayo. Qofka kula dalbanaaya ayaa heshiiska kireysiga lagula qori karaa xitaa haddii qofkaas aanu shuruuda da’da buuxin.

Heshiiska muddada gaaban ah

Waxa guriga loo kireynayaa si ku meel gaar ah sabab si u dhis aaga ah darteed ama iyadoo loo isticmaalaay sida guri faaruqin/daadgureyn ahaaneed. Qofka kireyste ah ayaa haysta fursad uu ugu si jiraayo ilaa inta ay Mimer guriga u baahan tahay. Heshiisku waxa uu socdaa kolba hal bil iyadoo la is ogaysiinaayo hal bil ka hor taas oo aad adiga kirayste ah iyo Mimer ba idin wada khuseysa.

Waxaad sii haysanaysaa dhibcahaaga safka iyado aad markaana raadsan karto guryaha kale.

Si aad ugu hesho fursad aad ugu kireysato guryaha heshiiska kireysiga muddada gaaban ah ayaad u baahan tahay:

  • Inaad buuxiyo shuruudahayaga aasaasiga ah ee guri kireysiga.
  • Inaad diyaar u tahay inaad guriga qaadato isla marka ugu horeysa ee uu diyaarka u yahay in la kireeyo.

La isma soo tusaayo guriga. Waxaad si kale haddii loo dhigo, aanad haysan fursad aad guriga ku arkeyso ka hor inta aanad soo gelin.

Dhamaan guryaha lagu kireynaayo heshiiska muddada gaaban. (Macluumaadku waxa uu ku qoran yahay Iswiidhish)

Studentlägenheter

Si aad guri ugu kireysato waa inaad shuruudahan soo socda buxiso:

  • Waa inaad wax ka baranayso Mälardalens universitet (MDU).
  • Waa inaad ugu yaraan 15 dhibcaha jaamacada/simistarka dhigato.
  • Markaad waxbarashada dhameyso waa inaad heshiiskaaga joojisaa.

Waxaad kirada sanadkii bixineysaa 10 bilood oo kaliya uun. Waxa kireysiga la sameynayaa iyadoo la soo maraayo Bostad Västerås (macluumaad ku qoran af Iswiidhish).

Guryahayaga kireysiga iyo sida loo raadsanayo