Hoppa till huvudmenyn Hoppa till innehåll

Macluumaadka adiga kugu saabsan ee kireyste ka ah Mimer.

Qaansheegadkaaga bixi

Kirada bixi maalinta shaqada ee bisha ugu dambeysa. Haddii aanad wakhti ku bixin ayaad heli doontaa inkassokrav (warqad lacagta lagu dalbanayo oo sheegaysa in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo haddii aad iskii lacagta lagugu leeyahay iskaga bixin weydo) oo ka socota Sergel Inkasso, taas oo ah shirkad deyn ururinta ee ay Mimer heshiis la leedahay. Laguuma soo diri doono wax xusuusin lacag bixinta ah, ee waxaad heli doontaa uun warqada ogeysiinta bixinta ijaarka.

Haddii aan kirada weli la bixin saddex toddobaad ka dib ayaa kiiska loo sii gudbinayaa Kronofogden waxaanad khatar ugu jirtaa in heshiiskaaga kirada la joojiyo oo aad gurigaaga weydo. Waxay Mimer sidoo kale heshiiskaaga kirada joojin karta haddii aad dhowr jeer kirada xilli danbe bixiso.

Waxa jira siyaabo kala duwan oo kirada loo bixiyo.

Autogiro: Waxa Autogiro (habka lacagta koontada toos looga goosto) da toos lacagta kirada looga goosanayaa koontadaada. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa inaad hubiso inay lacag koontadaada ku jirto maalmaha shaqada ee bisha ugu dambeeya, markaas oo kirada koontadaada laga goosanaayo. Markaad lacagta ku bixiso adigoo isticmaalaya Autogiro ayaanad guriga laguugu soo diri doonin warqad qaansheegad ah.

E-faktura: Waxaad dooran kartaa qaansheegta elektarooniga ah haddii aad shakhsi gaar ah tahay oo aad tahay qofka heshiiska kireysiga leh. Waa inaad sidoo kale bangi internetka haysataa.

Bangiga internetka: Haddii aad warqad qaansheegad ah haysato oo aad kirada ku bixiso adigoo soo maraaya bangigaaga internetka, ayaad u baahan tahay inaad xasuusato inaad ku qorto lambarkayaga bankgiro-da ee 808-6142 iyo lambarka OCR-ka ee warqada lacag bixinta ku yaala. Haddii kale, ma kala cadeyn karno inay adiga lacag bixintu kaa timid.

Boostada- ama koontada bangiga: Haddii aad lacagta bixiso adigoo isticmaalaaya boosto ama bangi, ayaad isticmaalaysaa warqada lacag bixinta ee qaansheegadka kirada la socota. Haddii ay taasi kaa lunto oo aad taas bedelkeeda adigu qorto warqadaada lacag bixinta, ku qor magacaaga, cinwaankaaga iyo lambarkaaga heshiisaaga kirada. Waa inaad sidoo kale ku qortaa in loo dirahu yahay Mimer ama Bostads AB Mimer, oo aad sidoo kale ku qortaa lambarkayaga bankgiro-da 808-6142.

Haddii aad qaansheegad warqad ah rabto, ayuu qiimahu yahay 39 karoon/bishii. Waxaad khidmadaas si fudud ugaga baxsan kartaa adiga aurogiro ama qaansheegadka elektaroonigga ah dooranaaya.

Halkee ayaan qaansheegadkeyga ka eegi karaa?

Markaad gasho boggagayga Mina sidor (macluumaadku waxa uu ku qoran yahay af Iswiidhish), waxaad riixi kartaa Se alla fakturor” si aad dhammaan qaansheegadyadaada ugu eegto. Halkan waxaad ku daabacan kartaa qaansheegadyadaada adigoo gujinaaya ”Ladda ner faktura” (la soo deg qaansheegadka), dhanka midig guji oo dooro ”Skriv ut” (daabaco).

Shaqaalaha Kundcenter (xarunta macaamiisha) ee Mimers ayaan qaansheegad kuu daabaci doonin. Taasi ayaad bedelkeeda ka sameyn kartaa maktabada.

Ku soo dhawow qolkaaga dhar dhaqista

Waxa halkan ku dhigan dhowr talooyin oo ku saabsan sida aad qolka dhar dhaqista uga dhigeyso meel dadka oo dhami ay ka helaan:

  • Kaliya wakhtiga aad qabsatey uun wax dhaqo/maydho.
  • Xusuusnow inaad shaandhada hawada ee qalajisada gaska ka gurto.
  • Qalaji makiinada dharka, oo ay ku jirto sanduuqa saabuunta dharka iyo carfisada lagu shubo.
  • Dhulka masax. Ka dibna nadiifi oo qalabka wax lagu nadiifiyo dhammaan dib meeshooda ugu celi.
  • Wixii qashin ah ee yimaad kala sooc oo ku tuur qolka dhar dhaqista ama guriga yar ee deegaanka.
  • Ma wax ayaa jaban? Wac 021-39 70 00 ama waxa jaban/qaldan soo sheeg adigoo soo maraaya Mina sidor.

Isku qor liistada sugitaanka booska gaariga la dhigto

Si aad ugu kireysato boos gaariga la dhigto waa inaad lixdii bilood ee ugu danbeeyey kirada gurigaaga bixineysay iyadoo aan wax calaamad ah lagu saarin.

Waa in booska gaariga la dhigto aad kaliya ka kireysataa aaga kugu dhow. Haddii ay meelo dheeraad ah oo booska gaariga la dhigto ay ka banaan yihiin meelaha kale ayaad xitaa kireysan kartaa halkaas, laakiin waxa markaas la sarayaa 25% cashuur ah.

Waxaad rabitaankaaga ku soo gudbin kartaa ugu badnaan saddex boos oo gaariga la dhigto.  Haddii aad muddo 30-maalmood gudahood ah aad maya ku jawaabto, ama aad ka jawaabi weydo saddex jeer oo wax laguu soo bandhigay ayaa muddo 30 maalmood ah lagaa mamnuuci doonaa inaad sameyso dalab kale oo rabitaanka.

Si aad boos gaariga la dhigto ugu codsato ayaad marka hore u baahan tahay inaad safka  booska baabuurta la dhigto is qorto adigoo isticmaalaaya Mina sidor. Nala soo xidhiidh Haddii aad u baahan tahay wax caawimo ah.

Guri beddelaada

Haddii xaaladaada noloshu isbedesho oo aanad ku sii noolaan karin gurigaaga, ayaad guri beddelid dalban kartaa.

Waxan ayaa loo baahan yahay si guri beddelaadad loogu sameeyo

  • Si aanu dalabkaaga guri beddelaada ugu maareyno waa inaad guriga ugu yaraan hal (1) sanno soo deganeyd. Taasi waa si looga fogaado in heshiiska kireysiga la iskgu wareejiyo iyadoo lacag gaara la kala qaadanaayo.
  • Adiga iyo qofka aad doonayso inaad guriga kala beddelataanba waa inaad buuxisaan våra grundkrav (shuruudahayaga aasaasiga ah) oo aydaan si xun ugu soo dhaqmin guryahii hore ee aad deganeydeen.
  • Waxa beddelaada shuruud u ah in adiga iyo kiraystaha cusub labadiinuba ay ujeedadiinu tahay inaad guriga cusub ku noolaataan. Haddii aanay sidaas aheyn ayaad khatar ugu jirtaa inaad heshiiska kireysiga lumisaan.
  • Waxaan la ogolayn inuu dhinac qaato ama u soo ban dhigo lacag marka kala beddeleshada guriga la sameynaayo. Waxay ka soo horjeedaa sharciga.
  • Wax guri kala beddelaad ah lama sameynaayo ka hor inta aan dalabka la ansaxin. Haddii aanad codsi la ansixiyey haysan ayaad heshiiska gurigaaga lumin kartaa.
  • Waa in sidoo kale guriga la kormeeraa oo aad heshiis saxeexdaan.
  • Codsigaaga guriga ayaa la tirtirayaa markaad guri Mimer ku beddelato iyadoo sidaas darteedna ay dhibcahaaga safku masaxmayaan/tirtirmayaan.
  • Qofka heshiis taageero guriga ah la haysta magaalada Västerås ayaan beddelaada guriga sameyn kartid.
  • Haddii asd kirada la habsaanto ayaad kaliya ku beddeli kartaa guri ka raqiisan uun.

Anagga ayaan hadda guri beddelida dib u sameynin. Haddii aad dooneyso inaad gurigaaga beddesho, ayaad google ka raadin kartaa ”bostadsbyte Västerås”. Waxa jira boggag badan oo internedka ah oo ku caawin karta.

Blankett för ansökan om bostadsbyte (Foomka codsiga guri beddelida) (pdf) (ku qoran af Iswiidhish)